Taageerayaasha Liverpool oo helaya war aad u wanaagsan kahor kulammada isku diyaarinta ee xilli ciyaareedka cusub 2021/2022

(Liverpool) 09 Luulyo 2021. Liverpool ayaa ku dhawaaqday liiska xiddigaha loogu yeeray inay ka qeybqaataan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2021/2022.

Waxaana liiskan ku soo baxay oo lagu arkay xiddiga reer Holland ee Virgil van Dijk kaddib dhaawac muddo dheer ah uu kaga maqnaa kooxda xilli ciyaareedkii hore oo dhan.

Xiddigaha Joe Gomez iyo Joel Matip ayaa sidoo kale ku saalbtay liiska xiddigaha loogu yeeray inay ka qeybqaataan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2021/2022, kaddib dhaawacii soo gaaray xilli ciyaareedkii hore.

Virgil van Dijk ayaa ka maqnaa Liverpool tan iyo bishii October ee la soo dhaafay kaddib markii uu soo gaadhay dhaawac dhaawac dhanka jilibka ah.

Van Dijk, Gomez and Matip return as Liverpool name 34-man squad for  Austrian pre-season camp | Goal.com

Haatan xiddigaha van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip, oo lagu daray saxiixa cusub ee Ibrahima Konaté ayaa la fahansan yahay inay dib u soo celin doonaan awooda daafaca ee kooxda Liverpool, kaddib dhibaatadii weyneyd ee xilli ciyaareedkii hore.

Xiddigaha Mohamed Salah iyo Sadio Mane, ayaa sidoo kale ku jiray liiska kooxda, oo loo qorsheeyay inay soo xaadiraan xerada tababarka ee dalka Austria, laga bilaabo Isbuuca soo socda.

Waxaa xusid mudan in Liverpool ay ku fashilantay inay qaado wax koob ah, ha ahaado mid gudaha ah ama mid qaaradeed, xilli ciyaareedkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close