Gary Neville oo England siiyay qorsho ay kaga guuleysan karaan Italy kulanka final-ka ee Koobka Euro 2020

(London) 09 Luulyo 2021. Halyeeyga kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Gary Neville ayaa seddexda libaax siiyay qorsho ay kaga guuleysan karaan Italy kulanka final-ka ee Euro 2020.

England ayaa ku wajihi doona Italy 11-ka July, garoonka Wembley, kulanka final-ka Koobka Qaramada Qaarada Yurub  ee Euro 2020.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa shaaciyay wareysi uu bixiyay Gary Neville, kaasoo uu ku sheegay ciyaaryahanka ugu fiican xulka England, wuxuuna yiri:

“Laga yaabee afar ama shan maalmood kahor, waxaan kaliya ka fikiray Jordan Pickford.”

“Waxaan u maleynayay inuu ahaa mid aan caadi aheyn marka laga hadlayo shabaqeena nadiif ah oo aan ilaashanay, Luke Shaw wuxuu ahaa mid fantastik ah, Kyle Walker gabi ahaanba wuxuu ahaa mid fantastik ah, Calvin Phillips wuxuu cajiib ku yahay qadka dhexe.”

“Laakiin wixii uu Raheem Sterling sameeyay xalay, hubaashii wuu hor boodayaa kuwaas, si kastaba ha noqotee, Axada waa inaan raadino wado aysan ku soo bixin Chiellini iyo Bonucci, si uu u joogo Raheem booskaas dhexdooda ah.”

“Waa inuu noqdaa furaha sirta ah, sababtoo ah waa laba difaac oo aad u fiican, Harry Kane waa inuu yeeshaa maskax, Sterling kaliya wuu jiidi karaa midkood (Chiellini iyo Bonucci), Sterling kaliya wuu jiidi karaa midkood.”

“Waxaan u maleynayaa Sterling inuu muhiimad weyn yeelan doono Axada, waa kan kaliya ee aan dareemayo inuusan nasanin, wuxuu umuuqdaa inuu ciyaaray daqiiqad walba.”

Halyeeyga xulka qaranka England ee Gary Neville ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Laakiin waxay noqon doontaa mid xiiso leh Axada, Raheem wuxuu ahaa mid fiican habeenkii la soo dhaafay, sidii aan u sheegay wuxuu kala jeexjeexay Danmark.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close