Xiriirka UEFA oo xulka qaranka England u heysta labo fal-dambiyeed oo waaweyn kuwaasoo dhacay kulankii Denmark

(Nyon) 08 Luulyo 2021. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa kusoo eeday taageerayaasha xulka qaranka England labo kiis oo dhacay kulankii xalay ay la ciyaareen dhiggooda Denmark kulankii wareegga nus-dhammaadka tartanka EURO 2020 oo 2-1 guusha ku raacday Saddexda Libaax kaddib waqtigii dheeriga ah.

Xiriirka UEFA ayaa Ingiriiska kusoo dacweeyay inay Leysar ku aaddiyeen wajiga goolhayaha xulka Denmark ee Kasper Schmeichel markii uu Harry Kane tuurayay rigoorada.

Kiiska kale ee xulka England loo heysto ayaa ah inay qalalaaso ku sameeyeen heesta astaanta qaranka ee Denmark kahor inta aanan la baasan ciyaartaas.

Kiisaskaas ayaa baaris dheeraad ah lagu sameyn doonaa, waxaana UEFA ay sheegtay inay sharciga marin doonka xulka England iyo taageerayaashiisa haddii eedeymaha loo heysto ay noqdaan kiisas cad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close