Waa kuma weeraryahanka ka tirsan Barcelona ee Lionel Messi kula jira diiwaanka xiddigaha ugu taajirsan isboortiga…(Ganacsiyada uu leeyahay iyo sirta taajirnimadiisa)

(Barcelona) 08 Luulyo 2021. Majaladda caanka ah ee Forbes taasoo ka faaloota dhaqaalaha isboortiga noocyadiisa kala duwan ayaa dhowaan soo saartay diiwaanka xiddigaha isboortiga ciyaara kuwooda ugu taajirsan, waxaana diiwaankan kasoo muuqday laacib kale oo ka tirsan Barcelona kaddib xiddiga heshiiskiisu dhammaaday ee Lionel Messi.

Weeraryahanka xulka qaranka Denmark ee Martin Braithwate ayaa ku jira milyanneerada isboortiga waana laacibka ugu taajirsan haatan naadiga Barca maadaama uu dhacay qandaraaskii Messi.

Qaab ciyaareedkiisa aanan loo riyaaqin ee gudaha garoonka waxaa u barbar socda ganacsi guuleystay oo ka dhigay inuu haatan heysto lacag lagu 13.7 milyan oo doolar, hantidaasna waxa uu ka sameeyay maal-gelin uu ku sameeyay suuqa guriyeenta dalka Mareykanka waxayna shirkad wada leeyihiin Adeerkiis taasoo qiimaheeda ay Forbes ku sheegtay 250 milyan oo doolar.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah inay shirkaddan maalgelinteeda ku bilaabeen kaliya 850 kun oo doolar sanadkii 2017, afar sano kaddibna waxay ka macaashaan faa’ido aanan caddad yareyn.

Dhinaca kale, Braithwate ayaa waxa uu qayb kala leeyahay xaaskiisa shirkadda dharka ee Trente taasoo suuq fiican ku leh dalka Faransiiska, sidoo kale waxa uu leeyahay maqaayad weyn oo lagu magacaabo Gave isla markaasna ka shidan magaalada Barcelona.

Bordalás and Valencia eye Barcelona frontman Braithwaite

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close