Kooxda Real Madrid oo heshiis cusub ka saxiixatay mid ka mid ah xiddigaheeda… (Imise sano ayuu qalinka ku duugay?)

(Madrid) 08 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiiska u kordhisay ciyaaryahankeeda Nacho Fernandez.

Nacho ayaa heshiiskan cusub oo uu u saxiixay Kooxda caasimadda Spain ka dhisan ee Real Madrid ayaa ku eg illaa bisha June ee sanadka 2023-ka.

Bayaan ka soo baxay Kooxda Real Madrid ayaa u dhigan: “Real Madrid C. F. iyo Nacho Fernández, waxay gaareen heshiis uu ciyaaryahanku qandaraaskiisa ku kordhinayo, kaasoo kooxda ku sii hayn labada xilli ciyaareed ee soo aaddan ama 30 bisha June 2023-ka.”

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close