Kooxda AC Milan oo beddelka Hakan Calhanoglu ka dhex aragta Real Madrid

(Madrid) 04 Luulyo 2021. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay beddelka Hakan Calhanoglu ka dhex aragto naadiga Real Madrid.

AC Milan ayaa la soo sheegayaa inay xiiso badan u qabto xiddiga khadka dhexe ee Los Blancos, Isco, kaasoo ay doonayaan inay geeyaan garoonka San Siro.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa boggiisa hore ku daabacay maanta oo Axad ah sheekada ku saabsan in Kooxda AC Milan ay xiiseynayso Isco.

Kooxda reer Talyaani ayaa baadi-goobaysa beddelka Hakan Calhanoglu, waxaana la sheegay in musharraxa ugu adag ee booskaas uu yahay Isco.

Inkasta oo ku soo laabashada Tababare Carlo Ancelotti ee Real Madrid ay siin karto Isco fursad kale oo uu kaga soo dhex iftiimi karo caasimada Spain, haddana waxaa laga yaabaa inuu diyaar u noqon karo inuu u dhaqaaqo meel kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close