WARBIXIN: Maxay tahay Sababta Lionel Messi looga mamnuucay Mooto Wadidda??

(Barcelona) 03 Luulyo 2021. Warbixintan waxa aan ku soo qaadan doonnaa shuruudo yaab leh oo ku lifaaqan heshiiskii ugu dambeeyay ee weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka Argentine, Lionel Messi uu u saxiixay naadiga Barca, inkastoo uu haatan heshiiskaasi dhammaaday oo uu koox la’aan yahay welina heshiis cusub uusan u saxiixin Barca.

Waxyaabaha aynu waxbixintan ku iftiimin doonno waxaa ka mid ah mushaharka waalida ah oo uu ku qaadanayey heshiiskan, sababaha loogu diiday Messi inuu Mooto wado, inuu sharad tamo ama sharad galo, inuu ku duulo baarashuudka, inuu dheelo ciyaarta barafka, inuu fuulo buuraha iyo in lagu qasbay barashada Luqadda Catalan-ka.

Lionel Messi; waa magac aan u baahneyn wax sharraxaad dheeraad ah, waxaana qof walba kaga filan guulihii dhanka kubadda cagta ahaa ee uu gaaray sanadihii la soo dhaafay, taas oo uu baal dahabi ah uga galay diiwaanka taariikhda kubadda cagta.

Maalin walba waxa ay taageerayaasha kubadda cagtu maqlaan war ku saabsan Laacibka reer Argentina, haddii ay ahaan lahayd rikoor cusub oo uu ku soo kordhiyay ciyaaraha ama arrimo kale oo ku saabsan xiddigan, laakiin waxaa jira arrimo badan oo ka dahsoon dadka intooda badan taasoo ku saabsan ciyaaryahankan lixda jeer ku guuleystay kubadda dahabiga ah ee ‘Baalon d’or’.

Waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee waayihii la soo dhaafay ay ka war heleen dadka xiiseeya ciyaaraha waxaa ka mid ahayd markii Wargeyska ‘El Mundo’ ee ka soo baxa dalka Spain uu faah-faahin dheeri ah ka bixiyay heshiiskii afarta sano ahaa ee uu Messi u saxiixay Barcelona sanadkii 2017-kii, qandaraaskaas oo uu Messi 4 xilli ciyaareed ku qaadanayo 555 Milyan oo Euro.

Mushaarkaasi faraha badan waxaa Messi u dheer abaal-marinno kale oo ku lifaaqay heshiiskiisa, sida lacago uu xaq u yeelanayo marka ay koobab qaadaan iyo haddii uu dheelo kulammo fara badan, waxaa kale oo cajiib ah in haddii kooxdiisu ay heshiis kale oo cusub ay u soo bandhigto oo uu aqbalo uu xaq u yeelanayo abaal-marin lacageed, hadde waa keliya aqbalaadda uu aqbalay qandaraaska.

Wargeyska El Mundo meelaha uu taabtay ee ku saabsan heshiiskan Messi ee buuqa badan dhaliyay waxaa ka mid ah shuruudo yaab leh oo ay Barcelona ku dartay heshiiska Lionel Messi ee afarta sano ah, shuruudahaas oo uu Messi ogolaaday inuu u hoggaansamayo, waxaana shuruudahaa ka mid ah; in Messi uu barto ku hadalka luqadda Catalan-ka ee looga hadlo gobolka Catalunya ee Caasimaddiisu tahay Barcelona.

Leo oo ka soo baxay kuliyadda ciyaaraha Barcelona ayaa ku hadla afka caamka ah ee Spanish-ka, isagoo aan ku hadlin afka looga hadlo Gobolka ay kooxdiisu ka dhisan tahay, taasoo aysan la dhacsanayn taageerayaasha Barcelona.

Haddii aan eegno, Afka Catalanka ayaa luqad ahaan ah mid u dhow afafka Faransiiska iyo Talyaaniga, halkii ay ahayd inuu ku dhowaado luqadaha Spanish-ka iyo Bortuqiiska.

Sababaha shuruudda ku hadalka Messi ee luqadda Catalanka loogu daray heshiiskiisii 2017-kii ayaa waxay tahay maadaama luqaddani ay metalayso dhaxalka iyo aqoonsiga gobolka, waxaana ay ka dhigan tahay in Messi uu dhex galo mujtamaca Catalunya, dhaqankoodana si fiican u barto.

Waxaa kale oo shuruudaha ku jirta heshiiska Messi ka mid ah in uusan wax sharad ah ku geli karin natiijooyinka ciyaaraha kooxdiisa Barcelona iyo kooxaha kale, sharatankuna waa mid ku badan ciyaartoyda kubadda cagta oo lacago fara badan ku dhigta natiijooyinka kulammada ciyaareed ee kooxahooda ama kooxo kale, laakiin Barcelona taa waa ay u diidday Messi.

Shuruudda kale ee runtii cajiibka ah ee ku qoran warqadda heshiiskii Messi la galay Barcelona ayaa waxaa ka mid ah in ciyaaryahanku kooxda kaga tegi karo si bilaash ama lacag la’aan ah oo aan markaa loo baahnayn in la bixiyo qiimaha lacageed ee 700 Milyan oo Euro ah ee lagu burburin karo qandaraaskiisa Barcelona, laakiin waa haddii gobolka Catalunya uu qaato madax bannaani kana madax bannaanaado Spain inteeda, markaas oo Barcelona aysan ka ciyaari doonin Horyaalka La Ligaha Spain.

Horey uma dhicin in Messi uu caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan gobolka Catalunya, waana walwal ay qabaan waalidkiis iyo wakiilkiisa gaarka ah oo isha ku haya dadaallada isi soo taraya ee gobolka Catalunya uu ku doonayo madax bannaanida.

Waayadii dambe waxaa warbaahinta Spanishka iyo taageerayaasha naadiguba ay ciyaaryahan Lionel Messi ku eedeynayeen in uu ka awood badan yahay tababare kasta oo kooxda la keeno, isla markaana uu fara geliyo go’aannada tababareyaasha oo qofkii uu rabana uu kooxda sii joogayo, kii uusan rabinna kooxda laga eryayo, hase yeeshee sida uu xusay Wargeyska El Mundo arrintaasi waxa ay qayb ka ahayd shuruudihii ku xeernaa heshiiskii Lionel Messi, iyadoo xiddiga reer Argentine loo sheegay inuu u hoggaansamo go’aannada tababareyaasha farahana kala baxo arrimaha u gaarka ah macallimiinta naadiga.

Tababarayaasha Barcelona ayaa Lionel Messi ka ciyaarsiin kara booskii ay doonaan iyadoo laacibkuna uusan arrintaasi ka hor imaan karin, taasoo ah shuruud ku jirta heshiiskii Messi ee 2017-kii.

Shuruudda ugu yaabka badan ee ku qoran bogagga qandaraaskii Messi la galay Barcelona waxaa ku jirta mid dhigeysa in uusan isticmaali karin ama kaxeyn karin Mootada nuucey doonto ha ahaatee, tan biyaha dusheeda ku socota iyo tan berriga ku socota, sidoo kale waxaa laga mamnuucay inuu ku duulo baarashuudka, inuu dheelo ciyaarta barafka iyo inuu fuulo buuraha.

Sababaha arrimahan loogu soo daray heshiiska Messi ayaa waxay tahay maadaama kooxdu ay dhaqaale fara badan ku bixisay weeraryahankan, isla markaana uu yahay calaamad ganacsi iyo suuq geyn, waxaa looga baahan yahay inuu mar walbo noqdo mid jir ahaan iyo maskax ahaan u diyaarsan oo aan ka hooseyn heerka sare ee ay kooxda Barcelona mar walba kula tartamayso kooxaha caalamka.

Wadidda Mootada iyo ciyaaraha kale ee aan xusnay ee laga mamnuucay Messi ayaa keeni kara in dhaawac culus uu ka soo gaaro laacibkan, dhaawacaas oo soo geba gebeyn kara waayihiisa ciyaareed, taasoo ah mid ay ka sii digtoonaanayso kooxda kubadda cagta Barcelona.

Intaas waxaan ku soo koobaynaa warbixintii aan ka diyaarinnay shuruudihii yaabka lahaa ee ku jiray heshiiskii afarta sano ahaa ee Lionel Messi uu 2017-kii la galay Barcelona ee lagu faah faahiyay Wargeyska El Mundo ee ka soo baxa Spain.

Waxaa isku duway: Haaruun Yuusuf Khasaaro

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close