Ukraine vs England: Xog, xaqiiqo iyo taariikh walba oo ku saabsan kulanka caawa Rome ka dhici doona

(Rome) 03 Luulyo 2021. Xulka qaranka England ayaa markii ugu horreysay xagaagan ku ciyaari doona meel ka baxdan carradiisa inta uu soconayo tartanka Euro 2020 marka uu caawa Ukraine kula ciyaaro magaalada Rome ee caasimadda dalka Taliyaaniga.

Kulankan lagu soo xirayo wareegga siddeed-dhammaadka tartanka Euro 2020 ayaana ah kan kaliya ee uu xulka Ingiriiska kusoo ciyaari doono meel aanan ahayn London maadaama kulammada nus-dhammaadka iyo ciyaarta dhammaantood lagu ciyaari doono garoonka Wembley ee caasimadda England.

Haddaba qoraalkan waxaynu si gaar ah ugu eegeynaa kaliya xaqiiqooyinka ciyaartan, kulammada fool ka foolka ah iyo xul walba xogahiisa muhiimka ah ee la xiriira ciyaartan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Xulka England ayaa la kulmay kaliya hal guuldarro toddobo jeer oo uu Ukraine kaga hor tagay dhammaan tartammada, afar guul ayuu ka gaaray, labo jeerna barbarro ayay wada galeen laba xul, guusha kaliya ee xulka Ukraine uu ka gaaray Ingiriiska ayaana timid is reeb-reebkii Koobka Adduunka ee 2010 ciyaar dhacday bishii October ee 2009.

Labadii ciyaarood ee ugu dambeeyay labada xul ayaa ku dhammaaday barbarro, kulankan ayaase dhinaca kale noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo September 2013.

England iyo Ukraine ayaa kaliya hal jeer isku arkay ciyaar ka tirsan tartan weyn, waxaana xilligaas ciyaar ka tirsaneyd Euro 2012 wareegga guruubyada 1-0 ku adkaaday xulka lagu naaneyso Saddexda Libaax, Wayne Rooney ayaana madaxa ku dhaliyay goolkaas.

Ukraine

Marka kaliya ee uu xulka Ukraine ciyaaray wareegga rubac-dhammaadka tartan weyn waxaa 3-0 ku garaacay xulka Taliyaaniga Koobkii Adduunka ee 2006.

Labada guul ee xulka Ukraine uu gaaray saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay tartanka qarammada qaaradda Yurub waxa ay ka badan yihiin guusha madiga ah ee uu xulkan ka gaaray tartankan toddobadii ciyaarood ee ka horreeyay kulammadan isagoo lix jeerna la garaacay.

Xiddiga garabka kaga ciyaara naadiga West Ham United ee Andriy Yarmolenko ayaa dhaliyay ama caawiyay shan ka mid ah siddeedda gool ee uu xulka Ukraine ka dhaliyay tartanka xulalka Yurub.

Isku darka Euro 2020, xulkan ayaa ciyaaray afar kulan, waxa uu guuleystay labo ka mid ah, labo kalena waa la garaacay, waxa uu dhaliyay lix gool oo labo ka mid ah madaxa lagu dhaliyay.

England

Mid walba oo ka mid ah saddexdii jeer ee uu xulka qaranka Ingiriiska ciyaaray wareeggan rubac-dhammaadka tartanka Euro waxaa la isla aaday waqti dheeri ah iyo rigooreyaal, waxaana marka laga soo tago midkii ugu horreeyay ee uu Spain ku garaacay rigooreyaasha Euro 1996, waxaa la edbiyay Euro 2004 iyo Euro 2012 oo guuldarrooyin rigooreyaal ah kala kulmay Portugal iyo Italy.

Xulka lagu naaneyso Saddexda Libaax ayaa noqday xulkii labaad ee aanan gool laga dhalin afarta ciyaarood ee ugu horreysa tartanka qarammada Yurub waxaana kaga horreeyay xulka Germany oo rikoorkaas bilaabay Euro 2016.

Raheem Sterling ayaa dhaliyay saddex ka mid ah afarta gool ee uu xulkiisa ka dhaliyay Euro 2020, waxaana xiddigaha Ingiriiska ee hal tartan oo Euro ah goolasha ugu badan ka dhaliyay ay kala yihiin Alan Shearer oo 1996 shan gool iyo Wayne Rooney oo 2004 dhaliyay afar gool.

Dhammaan afarta gool ee uu xulka England ka dhaliyay Euro 2020 ayaa ka dhashay gudaha xerada ganaaxa waxaana ku jira labo madax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close