RASMI: Juan Mata oo qandaraas cusub la galay Manchester United… (Immisa sano ayuu sii joogi doonaa Old Trafford?)

(Manchester) 03 Luulyo 2021. Xiddiga khadka dhexe kubadda ka abuura ee Juan Mata ayaa qalinka dul dhigay qandaraas cusub oo uu kaga sii mid ahaanayo kooxda Manchester United.

Heshiiskii hore ee 33-jirkan kula jiray Red Devils ayaa ku ekaa bishii dhammaatay waxaana haatan la guddoonsiiyay qandaraas kale oo hal sano kaasoo dhici doona bisha June ee 2022.

Laacibka Isbaanishka ah ayaa Man United u ciyaaray 273 isagoo dhaliyay 51 gool tan iyo markii uu January 2014 kaga soo biiray kooxda Chelsea isagoo Old Trafford ku yimid 37.1 milyan oo gini oo uu xiligaas ku noqday saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda kahor inta aysan kooxda sameyn saxiixyo ka qiimo badan kii ay kusoo qaadatay.

Mata's World Cup hopes revived by United move - Hartford Courant

Mata ayaa 18 kulan saftay dhammaan tartammada xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay saddex gool, waana mid ka mid ah xiddigaha dookha labaad ee Tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close