“Talyaaniga aad ayuu u xushmeeyaa Romelu Lukaku” – Giorgio Chiellini

(Yurub) 02 Luulyo 2021. Kabtanka xulka qaranka Italy iyo kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa ammaanay weeraryahanka xulka qaranka Belgium iyo naadiga Inter Milan ee Romelu Lukaku, isagoo xusay in Azzurri ay wajihi doonaan loolan adag kulanka ay caawa ka hor imaan doonaan Lukaku.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa caawa Jimco ah wuxuu kula ciyaari doonaan dhigiisa Belgium, wareega siddeed dhammaadka tartanka koobka qarammada Yurub ee Euro 2020.

Romelu Lukaku ayaa soo bandhigaya xilli ciyaareed aan caadi aheyn, haddii ay ahaan laheyd kooxdiisa Inter uu ku hoggaamiyay ku guuleysiga horyaalka Talyaaniga, ama waddankiisa, oo uu rajeynayo inuu ku hoggaamiyo hanashada koobka Euro 2020.

Haddaba Giorgio Chiellini oo ka soo muuqday shir jaraa’d kahor ciyaarta caawa dhex mari doonta xulalka Belgium iyo Italy ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan ixtiraam weyn u haynaa Romelu Lukaku, iyo xilli ciyaareedkiisii ​​gaarka ahaa ee uu la qaatay Inter Milan, dabcan waxay noqon doontaa tijaabo adag oo aan joojin karno.”

“Laakiin ku xaddidida xulka Belgium Lukaku oo kaliya waxay cuqdad ku tahay saaxiibadiisa, dhammaantood runtii waa ciyaartoy aad u fiican.”

“Waxaan sifiican isugu diyaarin doonaa kulanka sidii aan horeyba u sameyn jirnay kulammadii hore, sifiican ayaan u seexan doonaa caawa, Romelu Lukaku iyo aniga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close