Muxuu ka yiri halyeeyga Barcelona ee Xavi Hernández mustaqbalka Lionel Messi?

(Barcelona) 02 Luulyo 2021. Halyeeyga Barcelona Xavi Hernández ayaa xaqiijiyay in tilmaamaha oo dhan ay xaqiijinayaan in Lionel Messi uu qandaraaska u cusbooneysiin doono Blaugrana.

Waxaa si rasmi ah u dhammaaday heshiiskii uu Lionel Messi kula jiray kooxda Barcelona kaasoo ku ekaa 30-kii June, iyadoo labada dhinac aysan gaarin wax heshiis ah, Messi-na ma uusan shaacin talaabadiisa xigta, haddii ay ahaan laheyd inuu sii joogayo Barcelona, ​​ama uu u dhaqaaqayo koox kale.

Haddab sida uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain Halyeeyga Barcelona Xavi Hernández ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Messi, wuxuuna yiri:

“Waan arki doonaa sida ay xaaladu noqon doonto, waxaan u arkaa inuu ku faraxsan yahay Barcelona.”

“Dhamaan tilmaamaha waxay xaqiijinayaan inuu cusbooneysiin doono qandaraaskiisa kooxda, waxaana qabaa inuu u qalmo.”

“Barcelona waxay u baahan tahay Leo, Leo-na wuxuu u baahan yahay Barcelona, Messi wuxuu raadinayaa farxadiisa waxayna ku jirtaa Barca, waxaan ku kalsoonahay in heshiis kordhinta ay dhici doonto.” Ayuu yiri Xavi Hernández.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close