Kooxda Dekaddaha oo guul weyn ka gaartay Heegan kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 02 Luulyo 2021. Kooxda Dekaddaha ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Heegan 1-4, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Dekaddaha.

Daqiiqadii 23-aad kooxda kubadda cagta Dekaddaha ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana gool u dhaliyay xiddigooda Anwar Shakuunda kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Idris Amiin, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Dekaddaha ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Asagou Emeka, kaddib markii uu kubadda ka toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa.

Daqiiqadii 72-aad Anwar Shakuunda ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineyay kooxda kubadda cagta ee Dekaddaha.

Laakiin daqiiqadii 75-aad kooxda Heegan ayaa dhalisay gool waxaana ciyaarta 1-3 xiddigooda Lambarka 11-aad ee ceydiidoow.

Daqiiqadii 82-aad Xaaji Macalim oo caawin ay kaga timid saaxiikiis Asagou Emeka wuxuu dheesha ka dhigay 1-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Dekaddaha.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-4 ay kaga adkaatay Dekaddaha kooxda kubadda cagta Heegan, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close