Wargeys kasoo baxa Ingiriiska oo shaaciyay inay Man City dhammeystirtay saxiixa Jack Grealish & iyo iibkaas oo albaabka u furay laba xiddig oo haatan Sky Blue u ciyaara

(Manchester) 30 Juun 2021. Iyadoo la aaminsan yahay inay Manchester City ku dhowdahay saxiixa xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish, misena warar hoose oo la helay ayaa sheegaya inay kooxda Etihad ku ciyaarta goor hore gacanta ku dhigta saxiixa kubad sameeyaha reer England.

Waxaa toddobaadkii lasoo dhaafay warbaahinta Ingiriiska kasoo baxda ay isku raaceen inay kooxda Man City diyaar la tahay dalab gaaraya 100 milyan oo gini oo ay kula soo wareegeyso Grealish, se sheeko taas ka duwan waxaa qoray wargeyska CaughtOffside.

Warsidahan ayaa daabacay inay kooxda Macallin Pep Guardiola kala heshiisay Aston Villa iibka 25-jirka khadka dhexe ka ciyaara dhammaadka xilli ciyaareedkii dhammaaday isla markaasna ay ku dhammeystireyso 88 milyan oo gini.

Dhinaca kale, warsidaha ayaa intaas ku daray inay kooxda heysata horyaalka Premier League si rasmi ah u xaqiijin doonto saxiixa Grealish marka uu dhammaado tartanka qarammada Yurub ee Euro 2020 sidoo kalena wixii markaas ka dambeeya ay dhageysan doonto dalabaadka u imaanaya xiddigaheeda Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez.

How Sterling and Mahrez can turn the Premier League inside out | Goal.com

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close