Kooxda Manchester United oo rag u soo daawada u dirsatay xiddig ka tirsan Juventus

(Manchester) 30 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa rag u soo daawada oo indho-indheeyayaal ah u dirsatay laacibka khadka dhexe ee Adrien Rabiot intii lagu guda jiray kulankii xulka qaranka Faransiiska uu Guuldarro kala kulmay Switzerland ee ciyaaraha Euro 2020 Isniintii.

Red Devils ayaa bartilmaameedyadeeda suuqa kala iibsiga ku darsatay xiddig cusub oo khadkad hexe ka ciyaara suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan, waxaana ay diiradda ku haysaa haatan Rabiot.

Haatan waxa uu u ciyaaraa Kooxda Juventus, laakiin waxa uu soo maray waqti adag oo horyaalka Serie A ah tan iyo markii uu kaga soo biiray Naadiga PSG sanadkii 2019-kii.

Waxa ay u muuqataa in ciyaaryahanka reer France ay eegayso haatan Man United, iyadoo Jariiradda Daily Star ay sheegeyso in kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ay u dirtay 26-sano jirkaan indho-indheeyeyaal kulankii ka dhacay Bucharest.

Portugal-France : l'image virale d'Adrien Rabiot assis sur son ballon amuse  le milieu des Bleus - Le Parisien

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close