Chelsea oo dalabkii ugu horreeyay ee rasmi ah ka gudbisay Erling Haaland…(Immisa ayuu ku kacayaa dalabka ay heshay Borussia Dortmund?)

(London) 30 Juun 2021. Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay kooxda kubadda cagta Chelsea dalabkii ugu horreeyay ee rasmi ah u gudbisay dhiggeeda Borussia Dortmund kaasoo ku aaddan saxiixa Erling Haaland.

Wargeyska TEAMTalk – oo soo xiganaya wariyaha ka faalooda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kubadda cagta ee Ekrem Konur – ayaa qortay inay marwada agaasimaha ka ah kooxda Blues ay u gudbisay Dortmund dalab ku kacaya 60 milyan oo gini oo lagu daray Tammy Abraham.

Waxaa loo badinayaa inay kooxda Jarmalka ka dhisan si dhaqso leh kaga soo jawaab celin doonto dalabkan maadaama uusan la qiimo ahayn qiimaha ay ku dooneyso inay ku iibiso weeraryahankeeda 20-jirka ah.

Laacibka reer Norway ayaa 41 kulan oo uu u saftay Dortmund xilli ciyaareedkii tagay waxa uu dhaliyay 41 gool isagoo haatan bartilmaameedka koowaad u ah macallinka naadiga Chelsea ee Thomas Tuchel.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close