Xulka Ukraine oo iska xaadiriyay wareega Siddeeda ee Koobka EURO 2020, kaddib markii ay guul ka gaareen 10 xiddig oo Sweden ah… +SAWIRRO

(Yurub) 30 Juun 2021. Xulka Ukraine ayaa u gudbay wareega Siddeeda ee Koobka EURO 2020 kaddib markii uu guul kaga gaaray dhigiisa Sweden 1-2, kaddib kulan leysku daalay oo waqti dheeri ah la aaday kaasoo qeyb ka ahaa wareega 16-ka ee tartanka Qaramada Qaarada Yurub.

Qeybta hore ayeey labada xul qaran ee Sweden iyo Ukraine ayaa waxay ku kala nasteen bar-bardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 27-aad xulka qaranka Ukraine ayaa wuxuu hoggaanka u qabtay ciyaarta, kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddigooda Oleksandr Zinchenko, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Andriy Yarmolenko.

43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka qaranka Sweden ayaa wuxuu dhaliyay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Emil Forsberg oo caawin ka helay Alexander Isak.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii waqtigii 90-ka daqiiqo ahaa ee loogu talagalay ciyaarta ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-bardhac 1-1 ah oo ay isku mari waayeen labada xul qaran ee Sweden iyo Ukraine, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo xulka u gudbaya wareega xiga ee siddeeda.

Daqiiqadii 120+1 xulka Ukraine ayaa wuxuu hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay xiddigooda Artem Dovbyk, kaddib markii uu caawin ka helay Oleksandr Zinchenko, ugu dambeyntii xulka Ukraine ayaa iska xaadiriyay wareega xiga Siddeed dhammaadka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close