Horseed oo saddexda dhibcood ka heshay kooxda Elman kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 29 Juun 2021. Horseed ayaa saddexda dhibcood ka heshay kooxda kubadda cagta Elman, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League, kaasoo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Elman iyo Horseed ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad kooxda kubadda cagta Horseed ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Ibraahim Ilyaas, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Farxaad xiddig.

94 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Cadaani Bare oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Fahad Nokia ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggamineysay kooxda Horseed.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Horseed kooxda Elman, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League, kaasoo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadisho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close