Brazil vs Chile: Isku aadka siddeed dhammaadka Copa America oo dhammaystiran & Goorta la ciyaari doono

(Brasilia) 29 Juun 2021. Waxaa si rasmi ah u soo dhammaystirmay wareegga siddeed dhammaadka tartanka Copa America kaddib markii la soo gabagabeeyey xeerka guruubyada ee tartankan.

Xulka qaranka Brazil ayaa ku beegmay dhiggooda Chile, waana kulan runtii aad u adag iyadoo marti-geliyeyaasha tartankan Copa America oo ay doonayaan inay iska xaadiriyaan afar dhammaadka tartanka.

Dhinaca kale Xulka qaranka Argentina oo 4-1 ku dhuftay Bolivia isla markaana Guruubkooda kaga dhammaystay halka ugu sarreysa ayaa ku aaday Ecuador.

Uruguay iyo Colombia ayaa is-wajahaya, halka siddeed dhammaadka sidoo kale ay wada ciyaari doonaan Peru iyo Paraguay.

Argentina vs Ecuador iyo Brazil vs Chile, Peru vs Paraguay ayaa kulammadooda siddeed dhammaadka Copa America waxaa la daawan doonaa Sabtida soo aaddan oo ay taariikhdu tahay 3-da July 2021.

Xulalka Uruguay iyo Colombia ayaa kulankooda siddeed dhammaadka ee tartankan iyaguna wada ciyaari doona Axadda soo socota oo ay taariikhu tahay 4-da July 2021.

ISKU AADKA SIDDEED DHAMMAADKA COPA AMERICA OO DHAMMAYSTIRAN:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close