Ivan Perisic oo seegaya kulanka xulkiisa Croatia uu habeen dambe la leeyahay Spain ee wareegga 16-ka EURO 2020

(Yurub) 27 Juun 2021. Xiddiga xulka qaranka Croatia ee Ivan Perisic ayaa ka maqnaan doona kulanka xulkiisu habeen dambe la leeyahay Spain ee EURO 2020, kaddib markii laga helay KOFID 19.

Ivan Perisic ayaa laga heshay Korona Fayras, sida uu xalay xaqiijiyey xiriirka kubadda cagta Croatia.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Perisic ayaa gool dhaliyey kulankii xulkiisa uu 3-1 uga adkaaday Scotland Talaadadii oo ay ku xaqiijiyeen booskooda 16-ka kaddib markii ay kaalinta labaad kaga dhammaysteen Guruubka D iyagoo ka dambeeyey England.

32-sano jirkaan ayaa la ogaaday inuu haleelay Korona Fayras kaliya maalmo yar uun kaddib markii uu wajahay Scotland.

Perisic ayaa haatan geli doona 10 maalmood oo karaantiil ah, mana awoodi doono inuu ciyaaro kulanka habeen dambe xulkiisu Magaalada Copenhagen kula ciyaari doono Spain.

Xiriirka kubadda cagta Croatia ayaa sheegay in dhammaan xiddigaha kale iyo xubnaha xulka ay ka badqabaan Korona Fayras.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close