Heegan oo guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Gaadiidka kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 27 Juun 2021. Heegan ayaa guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda Gaadiidka 2-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Somali Premier League oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Gaadiidka.

Daqiiqadii 3-aad ee bilawga ciyaarta kooxda kubadda cagta Gaadiidka ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay cabdislaan Daanya.

31 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Gaadiidka ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Emeroneya Chedeberi.

Laakiin dhamaadka qeyntii hore ee ciyaarta daqiiqadii 45-aad kooxda Heegan ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda Abdirizaaq Maxamed Cali Maara.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Heegan ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay xiddigooda Abdikadir Siidow Seyga ruushka.

58 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda kubadda cagta Heegan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-3 ka dhigay Abdirizaaq Maxamed Cali Maara oo caawin ka helay maxamed abduraxman.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-3 ay kaga adkaatay Heegan kooxda kubadda cagta Gaadiidka, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen tuulada ciyaaraha ee Stadium Mogadishu.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close