Tababare Pep Guardiola oo doonaya inuu Man City keensado daafac ka tirsan Kooxda Chelsea

(Manchester) 26 Juun 2021. Tababare Pep Guardiola ayaa la soo warinayaa inuu doonayo in kooxda Manchester City uu keensado daafac ka tirsan naadiga Chelsea ee ay ka wada dhisan yihiin dalka Ingiriiska.

Warsidaha The Athletic ayaa warinaya in Guardiola uu kooxda Chelsea ka doonayo daafaceeda Reece James, isla markaana uu rabo inuu keeno Manchester City oo uu maamulo.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ayaa doonaysa inay saxiixa xiddigan iyo soo xero-gelintiisa u dhaqaaqdo xagaagan.

Manchester City ayaa haatan waxa ay bannaanka keentay xiisaha ay u qabto inay Kooxda Chelsea kala soo saxiixato Reece James sida uu warinayo Wargeyska The Athletic.

Xiddiga reer England ayaa qaab ciyaareedkiisa ku soo jiitay dareenka Tababare Pep Guardiola, wuxuuna haatan ku jiraa liiska xiddigaha bartilmaameedka u ah suuqa xagaagan.

FPL breakout stars: Reece James

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close