Shan Weeraryahan oo ay macquul tahay inay Kooxda Juventus u buuxiyaan booska uu banneeyo Cristiano Ronaldo

(Turin) 26 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay noolaato Cristiano Ronaldo la’aantiis kaasoo lagu wado inuu ka tago.

Haddaba waxaa la shaaciyey Shan weeraryahan oo midkood uu kooxda Marwada duqda ah u buuxin doono booska uu ka baxo Cristiano Ronald oo isku diyaarianya inuu baxo.

Waqtigii Cristiano Ronaldo ee Kooxda Juventus ayaa u muuqda inuu soo gabagaboobayo xagaagan, iyadoo Weeraryahanka reer Portugal ay u badan tahay inuu ka tagayo Magaalada Turin kaddib saddex sanadood oo uu joogay horyaalka Serie A.

Marka la fiiriyo suuqii xumaa tan iyo markii la galay karaantiilka oo uu dunida aafeeyey Korona Fayras, waa ay adag tahay in la qiyaaso inay jiraan heshiisyo lacag badan lagu qarash-gareynayo xagaagan, laakiin haddii Cristiano uu baxayo markaas Juventus waa inay badashaa qorshahaas oo ay suuqa iibka lacag ku bixisaa si ay beddelkiisa u helaan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shan Weeraryahan oo midkood ay macquul tahay inay Kooxda Juventus u soo qaadato beddelka lambarka 7-aad ee Cristiano Ronaldo:-

Erling Haaland

Harry Kane

Mauro Icardi

Gabriel Jesus

Antoine Griezmann

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close