Real Madrid oo go’aan ka qaadatay saxiixa Kylian Mbappe

(Madrid) 26 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si aad ah loola xiriirinayaa saxiixa weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe inay u dhaqaqaqeyso xagaagan.

Balse wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya war kaasi ka duwan oo ah inay Madrid joojisay qorshihii ay kula soo saxiixan lahayd Mbappe xagaagan.

Idaacadda laga dhageysto Spain ee Cadena Ser ayaa sheegtay inay Los Blancos go’aansatay inaysan xagaagan u dhaqaaqin saxiixa xiddiga kooxda PSG isla markaasna y sugto ilaa xagaaga dambe, markaas oo uu qandaraaskiisu dhici doono.

Heshiiska uu 22-jirka reer France kula jiro kooxdiisa ayaa dhici doona xagaaga 2022, waxaa 12 bilood kaddib xiddigan uu bilaash kaga tagi karaa garoonka Parc des Princess haddii uusan xilligaas kahor qalinka dul dhigi  heshiis cusub.

Si kastaba ha ahaatee, naadiga Paris ka dhisan ayaa wali ku jirta wada dadaallo ay xiddigeeda ugu bandhigeyso dalabaad qiimo badan si uu qandaraas cusub u saxiixo, balse waxay ku lumin karaan qaab bilaash ah xagaaga dambey haddii ay ku guuldarreystaan inay heshiis cusub ka saxiixdaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close