Raphael Varane oo diyaar u ah u soo dhaqaaqista Manchester United iyo halka arrin oo uu ka dalbaday kooxda reer England

(Madrid) 26 Juun 2021. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Ingiriiska ayaa sheegaya in xiddiga kooxda Real Madrid ee Raphael Varane uu doonayo ku biirista naadiga Manchester United sida aan kasoo xigannay Wargeyska The Independent.

Difaacan Faransiiska ah ayaa maalmo kaddib geli doona sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Santiago Bernabeu Stadium, waxaana la fahansan yahay inay Madrid iska iibineyso xagaagan haddii uu xiddigan dalbado in la iibiyo.

Balse Varane ayaa Red Devils ka dalbaday mushaharaad fara badan oo gaaray ilaa 400,000 oo gini toddobaadkii, taasoo culeys ku noqon doonta kooxda Ingiriiska ka dhisan.

Si kastaba ha ahaatee, 28-sano jirkaan ayaa bartilmaameedka koowaad ee dhanka difaaca u ah Manchester United iyadoo sidoo kale dooneysa xiddiga kooxda Villarreal ee Pau Torres.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close