Maxaa ka jira in Macallin Gareth Southgate uu qandaraaska u kordhinayo xulka qaranka England?

(London) 26 Juun 2021. Warar soo baxaya ayaa looga hadlay haddii macallin Gareth Southgate uu qandaraaska u kordhinayo xulkiisa qaranka England ee haatan taagan wareegga 16-ka Euro 2020.

Tababare Gareth Southgate ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qandaraaska u kordhiyo xulkiisa qaranka England.

Shabakadda ciyaaraha ee 90min ayaa warinaysa in xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA-ga ay doonayaan in Macallin Southgate uu sii joogo xulka illaa koobka Adduunka ee lagu qabanayo Qatar sanadka 2022.

Wararku waxa ay sidoo kale intaa ku darayaan in Tababarahan uu diyaar u yahay inuu heshiis kordhin cusub kala xaajoodo xulka qaranka Saddexda Libaax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close