Kooxda Barcelona oo bartilmaameedsanaysa xiddig ka tirsan Chelsea & Inter Milan oo…

(Barcelona) 26 Juun 2021. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa saxiixa xiddig daafaca uga ciyaara naadiga Chelsea.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Barcelona ay bartilmaameed ka dhigatay daafaca dadabka bidix ee Kooxda Chelsea, Marcos Alonso.

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale indhaha la raacaysa xiddigan reer Spain ee Marcos Alonso.

Waxa ay Jariiradda Mundo Deportivo sheegeysaa in kooxda reer Spain ay rajeyneyso inay la soo saxiixato daafacan Alonson, haddii ay iska fasaxaan Junior Firpo xagaagan.

Barca ayaa isku dayday inay la soo wareegto laacibkan hadda ka hor, mana ahan kooxda kaliya ee xiiseynaysa waqtigan saxiixiisa, maadaama Naadiga reer Talyaani ee Inter Milan ay sidoo kale u dhaqaaqi karto soo xero-gelintiisa.

Marcos Alonso returns to the Chelsea line-up for the first time since  SEPTEMBER – Netral.News

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close