Muxuu Rashford ka yiri kulanka adag ay ku wajahayaan Germany wareega 16-ka ee Koobka EURO 2020?

(Yurub) 25 Juun 2021. Weeraryahanka xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa xaqiijiyay in sareynta xulka Germany ee marka loo fiiriyo Saddexda Libaax kulammada muhiimka ah aysan niyadjab ku noqon doonin, kahor kulanka adag la wada sugayo ay ku wada ciyaari doonaan wareega 16-ka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

Xulka qaranka England ayaa ku ciyaari doona garoonkooda taariikhiga ah ee Wembley stadium ee magaalada London kulanka wareega 16-ka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 Talaadada soo socota, kaasoo ay ku wajahayaan dhigooda Germany.

Jarmalka wuxuu ku guuleystey inuu ka soo gudbo England isaga oo u gudubtay finalka Koobkii Adduunka 1990, wuxuu sidoo kale ku guuleystay inuu guul kaga gaaro wareega afar dhamaadka ee koobkii adduunka 2010 4-1.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Marcus Rashford, kahor kulanka la wada sugayo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waan ku faraxsanahay inaan qeyb ka nahay taariikhdan, waxaan diirada saareynaa guusha kulanka, haddii aan taasi ku guuleysano waxaa na lagu xusi doonaa taariikhda.”

“Suuragal ma ahan inaan dib u laabano oo aan baddalno wixii la soo dhaafay, waxa aan sameyn karno waa inaan bedelno natiijada kulanka soo socda,”

“Waa kulan ay ciyaarayaan ciyaartooy aad u fiican, marka waa kuwa aan rajeynayno.”

“Waxaad dooneysaa inaad isku tijaabiso naftaada kan ugu fiican, inaad ku guuleysato tartanka waa inaad ka guuleysataa kooxaha ugu fiican, waa inaan diyaar u noqonaa, oo aan isku daynaa inaan guuleysano ciyaarta.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close