Belgium vs Portugal, England vs Germany & Isku aadka wareegga 16-ka tartanka Euro 2020 oo dhammaystiran

(Yurub) 24 Juun 2021. Waxaa si rasmi ah u soo dhammaystirmay 16-ka kooxood ee u soo baxay wareegga 16-ka Euro 2020, iyadoo isku aad adag uu ka soo baxay.

Xulka qaranka Belgium ayaa ku beegmay Portugal, halka England uu wajahayo Germany, waana labada kulan ee ugu adag oo lagu daawan doono wareegga 16-ka Koobka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.

Wareegga 16-ka tartanka Euro 2020 ayaa bilaaban doona Sabtida oo ay taariikhdu tahay 26-ka Juun, waxaana habeen walba la ciyaari doonaa labo kulan oo kala waqti dambeeya sidii aan heerka guruubyada tartankan hore ugu soo aragnay.

Haddaba halkaan hoose ka eeg isku aadka wareegga 16-ka EURO 2020 oo dhammaystiran:-

Belgium vs Portugal

Italy vs Austria

France vs Switzerland

Croatia vs Spain

Sweden vs Ukraine

England vs Germany

Netherlands v Czech Republic

Wales v Denmark

Kooxaha tartanka isaga haray ayaa iyaguna waxa ay kala yihiin; Turkey, Russia, northern Macedonia, Scotland, Slovakia, Poland, Finland iyo Hungary.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close