Shan xul oo u soo baxay wareegga 16-ka EURO 2020 iyagoo aan weli ciyaarin kulammadooda saddexaad

(Yurub) 22 Juun 2021. Shan xul ayaa haatan sii og inay u soo baxeen wareegga xiga ee 16-ka Euro 2020, iyagoo aan weli ciyaarin kulammadooda ugu dambeeya ee saddexaad heerka guruubyada koobka qarammada Yurub.

Xulalka France, England, Czech Republic, Sweden iyo Switzerland ayaa dhammaantood u gudbay wareegga xiga, iyagoo aan badankood ciyaarin kulammadooda saddexaad ee guruubka, maxaa yeelay waxay leeyihiin min afar dhibcood, waxaana ay ku dhammaysan doonaan meel aan ka liidan kaalimaha saddexaad ee Guruubyada kale.

Natiijooyinkii ka soo baxay Guruubyadii B iyo C ayaa Finland iyo Ukraine ka dhigay inay ku dhammaystaan kaalimaha saddexaad ee guruubyadooda, iyagoo leh min saddex dhibcood, taasi waxa ay la micno tahay xul walba oo afar dhibcood leh inuu dammaanad u haysto inuu ka mid noqdo ugu yaraan xulalka ugu wanaagsan ee kaalimaha saddexaad.

Finland iyo Ukraine weli lama xaqiijin karo inay tartanka isaga hareen, waxaana jirta rajo meel dheer ah oo ay ku soo bixi karaan haddii natiijooyinka ka soo baxa kulammada Guruubyada D Talaada iyo E Arbacada ay ka dhigaan xulalka kaalimaha saddexaad ku dhammaysan kara inay kaliya labo dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close