Kulammada guruubka B ee tartanka Euro 2020 oo caawa lasoo gaba-gabeyn doono…(Waa sidee rajada xulalka guruubkan ku jira?)

(Yurub) 21 Juun 2021. Ciyaaraha wareegga guruubyada ee tartanka Euro 2020 ayaa soo gaaray kulammadii ugu dambeeyay, waxaana caawa kala bixi doona guruubka B oo dhammaan afarta xul ay fursad u heystaan inay usoo gudbaan wareegga bug-baxda iyadoo ay xusid mudan tahay in xulka Belgium uu xaqiijiyay usoo bixitaanka wareegga 16-ka tartanka qarammada qaaradda Yurub.

Xulalka Russia, Finland iyo Denmark ayaa dhammaantood heysta fursad ay ugu soo gudbi karaan wareegga 16-ka tartanka Euro isla markaasna ay soo raacaan xulka Belgium oo booska koowaad haatan fadhiya inkastoo uusan hubin maadaama uu caawa Finland la ciyaarayo, xulka Finn ayaana booska koowaad geli doona haddii uu caawa garaaco hoggaamiyeyaasha guruubkan.

Finland vs Belgium

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Saint Petersburg Stadium

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Maxay u baahan yihiin labada xul:-

Xulka Finland ayaa u baahan inuu guuleysto si uu xaqiijiyo inuu usoo baxay wareegga 16-ka ee tartanka Euro waliba isagoo ah xulka ugu sarreeya guruubka B, halka Belgium uu keliya u baahan yahay barbarro si booska koowaad u xaqiijiyo, haddii uu guul gaarana waxa uu kusoo bixi doonaa sagaal dhibcood maadaama uu haatan leeyahay lix dhibcood, dhinaca kale, Belgium haddii la garaaco xitaa waxa uu is geeyay wareegga 16-ka balse waxa uu kusoo bixi doonaa booska labaad.

Haddii uu Belgium garaaco Finland, rajada Finn aad ayay u liidataa maadaama xulka Ruushka oo haatan ku dhibco ah uu ku horreeyo dhanka natiijada kulankii fool ka foolka ahaa ee labada xul dhex maray maadaama la garaacay Finland ciyaartaas.

Waxaa wareer hor leh keeni kara in Finland la garaaco isla markaasna Denmark uu garaaco Ruushka, saddexda xul waxay yeelan doonaan min saddex dhibcood, dhanka kulammada fool ka foolka ahna xulba mid kale waa uu ka sarreyn doonaa sidaas darteed, xal ma noqon karto natiijada kulammada fool ka foolka ah, waxaana la aadi doonaa kala sarreynta farqiga goolasha, haddii ay labo ka mid ah ama saddexdooda ay halkaas markale iskala ekaadaan waxaa la aadi doonaa in lagu kala saaro goolasha uu xul walba dhaliyay, waxaana kala saaridda xigta ay noqon doontaa diiwaanka anshaxa sida kaararka.

Balse haddii Finland uu bareejo helo, Ruushkana la garaaco wuu soo bixi doonaa, haddii uu Ruushka guul gaaro ama barbarro helo oo Finland la garaaco ama uu barbarro galo, waxaa uu ku dhammeysan doonaa booska saddexaad oo waxa uu sii ahaan doonaa rajo suge kusoo gubdi kara booska saddexaad.

Russia vs Denmark

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Parken

Garsooraha: Clement Turpin (France)

Maxay u baahan yihiin labada xul:-

Ruushka ayaa u baahan inuu guul gaaro isla markaasna la garaaco Finland ama uu barbarro galo ciyaarta uu la dheelayo Belgium, waxaana uu hari karaa isagoo guuleystay haddii uu xulka Finland uu garaaco Belgium.

Aan caddeeyo taas e, haddii Finland iyo Ruushka guulo gaareen, waxay labadoo min lix dhibic la yeelan doonaan Belgium, marka halkaas la joogo waxaa kala sarreynta ka imaan kara wareer la mid ah midka kore aan kusoo sheegnay.

Saddex xul ayaa midba midka kale kaga sarreyn kara dhanka natiijada kulammada fool ka foolka ah sidaas darteed, waxaa loo eegi doonaa kala sarreynta farqiga goolasha, balse iyadoo taas ay u badan tahay in lagu kala hari doono ayaa misena waxaa sii xiga kara in lagu kala saaro goolasha uu xul walba dhaliyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close