Suxufiga dhanka suuqa looga dambeeyo ee Romano oo shaaciyey xilliga ay PSG dhammaystireyso saxiixa Gianluigi Donnarumma

(Florence) 20 Juun 2021. Suxufiga dhanka suuqa looga dambeeyo ee reer Talyaani Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday xilliga ay Kooxda PSG dhammaystireyso saxiixa Goolhaye Gianluigi Donnarumma.

Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in Kooxda reer France ee PSG ay berrito dhammaystireyso saxiixa Gianluigi Donnarumma.

Waxa uu Romano soo qoray: “Xaqiiqin, Goolhayaha cusub ee Kooxda Paris Saint-Germain, Gianluigi Donnarumma waxa uu berri subixii tijaabada caafimaad ku mari doonaa Magaalada Florence, waxaana uu saxiixi doonaa qandaraas ku eg ilaa sanadka 2026-ka, heshiiskan waa uu dhacay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close