RASMI: Xiddigii Bayern Munich ee Javi Martinez oo ku biiray Koox cusub

(Munich) 20 Juun 2021. Ciyaaryahankii hore ee Kooxda Bayern Munich khadka dhexe uga dheelayay Javi Martinez ayaa ku biiray naadiga Qatar SC.

Kooxda kubadda cagta Qatar Sports Club ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka waxa ay ku xaqiijisay inuu ku soo biiray xiddigii hore ee xulka qaranka Spain ee Javi Martinez.

Javi Martinez oo haatan 32-sano jir ah ayaa markii hore waxa uu Kooxda Bayern Munich kaga soo biiray naadiga Athletic Bilbao xagaagii 2012-kii.

Martinez waxa uu ku guuleystay saddexleeydii koob ee ugu horeeyay Tababare Heynckes sanadkii 2013-kii, iyadoo qandaraaskiisa Bayern uu dhacayo wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka 2020-21, wuxuuna beeca xorta ah ugu biirayaa kooxda Qatar sports club.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close