RASMI: Thorgan Hazard oo seegi doona kulanka habeen dambe ee Finland

(Saint Petersburg) 20 Juun 2021. Waxaa la xaqiijiyey in Thorgan Hazard uu seegi doono kulanka habeen dambe ay la ciyaari doonaan Finland ee tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka Belgium ayaa xaqiijiyey in Thorgan Hazard uu ka maqnaan doono kulanka koobka qarammada Yurub oo ay habeen dambe la leeyihiin dhiggooda Finland, iyadoo aan la shaaciyey sabab rasmi ah oo uu ku maqnaan doono.

Wararka la helayo ayaase sheegaya in xiddigan uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen Denmark, isla markaana uusan xulka tababar la qaadan shalay, taasoo ka dhigan in dhaawacaas uu ku seegi doono kulanka Finland.

Kulanka u dhexeeya xulalka Belgium iyo Finland oo ka tirsan Guruubka B ee tartanka Euro 2020 ayaa habeen dambe 10:00 ka baasmi doona garoonka Saint Petersburg ee ku yaala dalka Russia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close