RASMI: Kooxda Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixa Memphis Depay

(Barcelona) 19 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay kula saxiixatay weeeraryahanka naadiga Lyon ee Memphis Depay beeca xurta ah.

Qandaraaska Memphis Depay ee kooxda Lyon ayaa wuxuu dhacayaa dhammaadka bishan, taasoo ka dhigtay inuu beeca xurta ah ugu dhaqaaqo Barcelona.

Barcelona ayaa war rasmi ah ay ku daabacday website-keeda waxay ku sheegtay inay ka saxiixatay Memphis Depay heshiis mudo labo sano ah, kaasoo dhacaya bisha June 2023.

“Kooxda kubadda cagta Barcelona iyo Memphis Depay waxa ay wada gaareen heshiis rasmi ah, waxaa uu kooxda ku soo biiri doonaa marka uu dhammaado heshiiskiisa Olympique Lyon, ciyaaryahanka ayaana saxiixi doona qandaraas ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2022/23.” ayuu u dhignaa bayaan ka soo baxay Barca.

No description available.

Memphis Depay ayaa wuxuu si rasmi ah u noqon doonaa xiddig ka tirsan kooxda Barcelona laga bilaabo bisha July ee soo socota, kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa naadiga Lyon dhammaadka bishan.

Depay ayaa noqonaya xiddigii afaraad oo ay la saxiixatay Barcelona xagaagan, kaddib xiddigaha Sergio Aguero, Eric García iyo Emerson Royal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close