Horudhac: Portugal vs Germany… (Cristiano Ronaldo iyo Thomas Muller oo mid walba laga sugayo inuu iska baabi’iyo rikoor liita ciyaarta caawa)

(Munich) 19 Juun 2021. Xulka qaranka Germany ayaa caawa dadaal walba u mari doona sidii uu u nooleysiin lahaa rajadiisa kasoo bixitaanka wareegga guruubyada Euro 2020 iyadoo xulalka Portugal iyo France oo kulammadii hore guulo gaaray ay ugu cad cadyihiin kasoo bixitaanka guruubka dhimashada.

Jarmalka ayaa guuldarro qaraar oo 1-0 ah kala kulmay xulka Faransiiska ciyaartii ugu horreysay ee Guruubkooda, halka Bortuqiiska ay iyaguna 3-0 kusoo dharbaaxeen Hungary, sidaas darteed, xiddigaha Germany ayaa caawa doonaya inay ugu yaraan guuldarro kale ka bad-baadaan si ay wareegga xiga rajo wacan kaga gasho.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Allianz Arena

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Xulalka:-

Lukas Klostermann ayaa ka maqnaan doona xulka Jarmalka ciyaartooda caawa, waxaana xiddigan ku dhaawacmay tababarka loo badinayaa inuusan tartanka oo dhan ciyaarin dhaawac kasoo gaaray bowdada awgiisa.

Dhinaca Portugal, waxaa isna dhaawac bowdada kasoo gaaray ku seegi kara kulankan Nuno Mendes inkastoo aanan la xaqiijin inuu ciyaartan seegi karo.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool ka fool

Guushii ugu dambeeyay ee uu xulka Portugal ka gaaro dhiggiisa Germany waxay ahayd ciyaar ku dhammaatay 3-0 oo ka tirsaneyd tartankii Euro 2000, waxaana markaas saddexley Jarmalka ka dhaliyay Sergio Conceicao kaasoo ah xiddigii ugu dambeeyay ee xulka lagu naaneyso Die Mannschaft saddex gool ama wax ka badan ka dhaliya tartan weyn.

Tan iyo markaas, Jarmalka ayaa afar jeer garaacay Portugal isagoo dhegaha u laabay ciyaarihii ay isku arkeen Koobka Adduunka 2006, Euro 2008, Euro 2012 iyo Koobka Adduunka 2014.

Kulankan ayaa noqon doona midkii shanaad ee ay labadan xul ku kulmaan tartanka qarammada qaaradda Yurub, waxaana ay noqonayaan labada xul ee kulammada ugu badan isku arka tartankan kaddib Spain iyo Taliyaaniga oo lix jeer ku kulmay Euro.

Ciyaartan ayaa sidoo kalena noqon doonta tii lixaad ee ay labadan xul isku arkaan tartammada waaweyn tan iyo Euro 2000, waxayna haatan isku arkayaan afar Euro iyo labo Koob Adduun, sidaas darteed, waxay noqanayaan labada xul ee kasoo jeeda qaaradda Yurub kuwaasoo labada tartan ee waaweyn isku arkay kulammada ugu badan muddadaan.

Shantii ciyaarood ee ugu dambeysay ee labadan xul dhex mara waxaa la isaga dhaliyay 17 gool iyadoo celcelis ahaan kulankii la iska dhaliyay 3.4 gool, waxaa intaas usii dheer in afar ka mid ah shantaas ciyaarood la iska dhaliyay saddex gool ama wax ka badan.

Cristiano Ronaldo ayaanan wali gool ka dhalin xulka Jarmalka afar ciyaarood oo uu ka hor tagay inkastoo uu 23 darbo ku tuuray shabaqooda 360 daqiiqo oo uu garoonka la wadaagay, kaliya xulka France ayaa ah midka uu wajahay kulammo ka badan kuwa Jarmalka uu wajahay isagoo aanan gool ka dhalin, lix ciyaarood iyo gool la’aan.

Halka saddexley ee uu Thomas Muller u dhaliyay xulka Germany waxa uu ka dhaliyay Portugal ciyaar ku dhammaatay 4-0 ooka tirsaneyd wareeggii guruubyada ee Koobka Adduunka 2014, balse Thomas Muller ayaanan wali gool ka dhalin tartanka Euro isagoo ciyaaray 12 kulan waxaana uu tuuray 27 darbo oo aan guuleysan.

Portugal

Xulka Portugal ayaa la garaacay kaliya labo jeer 30-kii ciyaarood ee lasoo dhaafay tartammada oo dhan, waxayna guuleysteen 19 kulan iyagoo barbarro galay sagaal kale, waxayna xiddigaha xulkan dhaliyeen 67 gool iyadoo laga dhaliyay 19 gool.

Kaddib guulihii Portugal uu ka gaaray Israel oo uu 4-0 ku garaacay iyo Hungary oo 3-0 ku dhuftay, Boqtuqiiska ayaa raadinaya inuu shabaqiisa difaacdo saddex kulan oo xiriir ah markii ugu horreysay tan iyo 2017 xiligaas oo afar ciyaarood xiriir ah shabaqooda difaacdeen.

Xulka Portugal ayaa dhinaca kale doonaya inuu noqdo xulkii labaad ee isagoo tartanka difaacanaya guul gaara labada ciyaar ee ugu horreysa tartanka Euro kaddib Spain oo guuleystay labadii ciyaarood ee ugu horreysay Euro 2016.

Germany

Xulka Germany ayaa guuldarreystay saddex ka mid ah afartii ciyaarood ee ugu dambeysay wareegga guruubyada tartammada waaweyn (Koobka Adduunka iyo Euro), waana in la eg inta guuldarro ee kusoo gaartay wareegga guruubyada 24-kii ciyaarood ee ka horreeyay afartaan ciyaarood iyagoo guuleystay 16 ka mid ah, shan jeerna babarro helay.

Jarmalka ayaanan la kulmin labo guuldarro oo xiriir ah wareegga guruubyada tartan weyn tan iyo markii England iyo Portugal ay ku garaaceen wareeggii guruubyada tartankii Euro 2000.

Xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Toni Kroos ayaa si sax ah u dhammeystiray 100 baas ciyaartii xulkiisa ay la ciyaareen France, marka taas laga shidaal qaato, saddexdii tartan waaweyn ee ugu dambeysay, lix jeer ayay dhacday in xiddig ka tirsan xulka Jarmalka uu dhammeystiro 100 baas ama wax ka badan, lixdaas jeerna waxaa sameeyay Kroos.

Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close