Xulalka England iyo Scotland oo bar-bardhac ku kala baxay kulan ka tirsanaa koobka EURO 2020… + SAWIRRO

(England) 18 Juun 2021.  Xulalka England iyo Scotland ayaa bar-bardhac 0-0 ah ku kala baxay ciyaar qeyb ka aheyd kulammada labaad ee GROUP D Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran England iyo Scotland ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhmmaatay bar-bardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada xul qaran England iyo Scotland, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada labaad GROUP D Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close