Tababare Ronald Koeman oo rumeysan in Messi uu waayihiisa ciyaareed ku dhammaysan doono Barcelona… (Goorma ayaa lagu dhawaaqi doonaa heshiis kordhintiisa?)

(Barcelona) 18 Juun 2021. Tababaraha Kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa sheegay in Lionel Messi uu waayihiisa ciyaareed ku dhammaysan doono Barca, isla markaana waqti dhowr lagu dhawaaqi doono heshiis kordhintiisa.

Ronald Koeman waxa uu shaaca ka qaaday inay tahay in Lionel Messi uu xirfaddiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo Barcelona, iyadoo Tababaraha Blaugrana uu filayo in heshiis kordhinta kabtanka kooxda lagu dhawaaqi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xiddiga lixda goor ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiican Adduunka ee Ballon d’Or ayaan weli go’aan rasmi ah ka gaarin mustaqbalkiisa, iyadoo qandaraaskiisa haatan ee 33-sano jirka uu dhamaad ku dhow yahay , isla markaana uu noqon karo mid lagu heli karo beeca xorta ah.

Macallin Ronald Koeman oo la hadlay Wargeyska ka soo baxa Spain ee Sport ayaa yiri: “Messi waa inuu waayihiisa ciyaareed ku dhammeeyaa Barcelona, marka waxaan rajeynayaa inaan awoodno inaan mid rasmi ah ka dhigno goor dhow”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close