Sweden, England, Croatia & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doonto tartanka Euro 2020

(Yurub) 18 Juun 2021. Kulammo ka tirsan tartanka koobka qarammada Yurub ee Euro 2020 ayaa lagu wadaa in maanta iyo caawa la ciyaaro.

Xulalka Sweden, England iyo Croatia ayaa ka mid ah xulalka maanta iyo caawa ciyaari doonta tartanka Euro 2020 oo meel xiiso leh maraya xul waliba uu xusul duub ugu jiro sidii uu ku gaari lahaa wareegga 16-ka tartankan.

Haddaba kulanka ugu horreeya Galabta ee Euro 2020 waxaa wada ciyaari doona xulalka Sweden iyo Slovakia, waana ciyaar qeyb ka ah Guruubka E ee tartankan, xulka Slovakia ayaa haddii uu adkaado galabtana iska xaadirin doona wareegga 16-ka Euro 2020.

Dhinaca kale kulammo ka tirsan Guruubka D ee Euro 2020 ayaa caawa la ciyaari doonaa xulalka wada dheeli doonana waxa ay kala yihiin Croatia oo hal saac oo fiidnimo geeska Afrika la ballansan dhigooda Czech Republic iyo xulka qaranka England oo afar saac caawa qaabilaya Scotland.

Czech Republic haddii uu garaaco caawa Croatia waa uu soo gudbi doonaa, halka xulka England haddii uu ka adkado Scotland uu iska xaadirin doono wareegga 16-ka Euro 2020.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono tartanka Euro 2020 iyo saacadaha ay soo geli doonaan:-

EURO 2020 – GROUP E

4:00 Galabnimo Sweden vs Slovakia

EURO 2020 – GROUP D

7:00 Fiidnimo Croatia vs Czech Republic

10:00 Habeennimo England vs Scotland

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close