RASMI: Goolhaye Gianluigi Buffon oo ka tagay Juventus kuna biiray Kooxda…

(Turin) 17 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Parma ee dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inuu dib ugu soo laabtay Gianluigi Buffon, waxaana uu qalinka ugu duugay heshiis labo sanadood ah.

43-sano jirkaan ayaa ka tagay Juventus kaddib labo xilli ciyaareed oo uu beddel u ahaa Wojciech Szczesny dib ugu laabtay garoonka Ennio Tardini.

Kooxda lagu naynaaso The Ducali waxay xaqiijisay Buffon inuu ku laabtay Parma, 20 sano kaddib markii uu aaday Naadiga Juventus bishii July ee sanadkii 2001.

Buffon waxa uu ku guuleystay Coppa Italia, Supercoppa Italiana iyo UEFA Cup intii lagu jiray waayihiisii ugu horreeyay ee naadiga la yiraahdo Crociati.

Ku guuleystihii Koobkii Adduunka ee 2006 wuxuu tan iyo markaas la qaatay Juventus, 10 horyaalka Talyaaniga ee Scudetti iyo hal horyaal oo Ligue 1 France oo uu kula guuleystay Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkii 2018-19.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close