Florentino Perez: “Ma’ahan maalin sahlan, Ramos marwalba Real Madrid waxay noqon doontaa Gurigaaga”

(Madrid) 17 Juun 2021. Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa cadeeyay in, i kastoo heshiis kordhin ay gaari waayey, haddana Sergio Ramos marwalba lagu soo dhaweyn doono kooxda.

Florentino Perez ayaa shirkii jaraa’id ee lagu macsalaameynayey Sergio Ramos waxa uu ka yiri: “Ma’ahan maalin sahlan, marwalba Real Madrid waxa ay noqon doontaa Gurigaaga”.

Ramos ayaa ka tagay 16 sano kaddib Real Madrid, maadaama uu raadinayo loollan cusub oo meel kale ah, waxaana hubaal ah in koox kale lagu arki doono.

“Ma’ahan maalin sahlan, sababtoo ah waxay ii tahay mid qaas ah, waxaan kuu rajeynayaa farxad, waxaana rabaa inaad ogaato inay tani waligeed guri kuu ahaan doonto,” ayuu Florentino Perez ku yiri Ramos.

“Halyeey sidaada oo kale ah wuxuu waligiis ka mid noqon doonaa safiirrada waa weyn ee Real Madrid.”

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close