RASMI: Real Madrid oo xaqiijisay go’aankeeda kama dambeysta ee mustaqbalka Sergio Ramos

(Madrid) 16 Juun 2021. Ugu dambeyn kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaqiijisay in Kabtankeeda Sergio Ramos uu dhammaadka bishan isaga tagayo naadiga marka uu dhammaado qandaraaskiisa.

Laacibkan ayaa haatan soo gabo-gabeynaya 16 sano oo uu xirnaa maaliyadda Cad-cadka xagaagan.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday wada-xaajood ku aaddan in heshiiska loo kordhiyo difaaca Isbaanishka ah, balse ugu dambeyn waxaa burburay wada-hadalladaas iyo 35-jirkan uu isaga dhaqaaqayo kooxda marka uu dhammaado heshiiskiisa.

Maalinta berri ah ayaa la qorsheeyay inuu xiddiggan qabto shir jaraa’id oo uu ku macsalaameynayo kooxda.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close