Xulka France oo guul kaga daah furtay tartanka EURO 2020 kaddib markii ay si dirqi ah kaga adkaadeen dhigooda Germany…+SAWIRRO

(Yurub) 15 Juun 2021. Xulka France ayaa guul kaga daah furtay Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 kaddib markii ay kaga adkaadeen dhigooda Germany 1-0. Kulankooda ugu horreeyay ee GROUP F.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka France.

Daqiiqadii 20-aad xulka qaranka France ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafaca xulka Germany ee Mats Hummels, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 uu kaga adkaatay xulka France, dhigiisa Germany, xilli kulankan ay labada xul qaran kaga daah furteen GROUP F ee Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close