Muxuu ka dhigan yahay laadkii xorta ah ee Lionel Messi uu xalay ka dhaliyey Chile?… (Yaa Freekicks badan haatan Leo & CR7?)

(London) 15 Juun 2021. Lionel Messi ayaa xalay laad xor ah ugu shubay xulka qaranka Chile, taasoo ka dhigtay inuu yahay boqorka laadadka xorta ah.

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday ololihiisa Copa America ee xulkiisa qaranka Argentina, waxaana uu xulka Chile ugu shubay laad xor ah.

Goolkii uu xalay ka dhaliyey Messi xulka Chile waxa uu ahaa laadkiisii horta ahaa ee 57-aad oo uu dhaliyo xirfaddiisa ciyaareed, waxaana uu xitaa ka bulusoon dhalis badan yahay haatan Cristiano Ronaldo.

Ka hor inuusan Leo wajihin Chile, labada ciyaaryahan ee Messi iyo Ronaldo ayaa wada lahaa mid 56 gool oo laadadka xorta ah.

UPDATE: Messi equals Ronaldo's free kick record (Stats) - Newsblits

Messi ayaa 50 gool oo laadadka xorta ah u dhaliyey Barcelona, hadda waxa uu todobo bulusoon u dhaliyey xulkiisa Argentina, halka Cristiano uu 13 laadadka xorta ah u dhaliyey kooxda Manchester United, 32 bulusoon u dhaliyey Real Madrid, isla markaana u saxiixay 10 laadadka xorta ah xulkiisa qaranka Portugal.

Tirooyinku waa ku cajaa’ib badan marka loo eego kaliya afar sano ka hor, sanadkii 2017-kii Cristiano waxa uu dhaliyay oo uu haystay 49 laadadka xorta ah, halka Lionel Messi uu markaas kaliya dhaliyay 31 Bulusoon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close