Jose Mourinho oo doortay daafaca ugu fiican adduunka… (Ma Rúben Dias mise Virgil van Dijk?)

(Yurub) 15 Juun 2021. Tababaraha kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa doortay daafaca ugu fiican adduunka marka loo fiirayo xiddigaha Rúben Dias iyo Virgil van Dijk.

Daafaca kooxda Manchester City ee Rúben Dias ayaa loo caleemo saaray ciyaaryahanka ugu fiicnaa Premier League ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, kaddib markii uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay uu kaga soo biiray Citizens naadiga Benfica.

Jose Mourinho oo wareysi uu ku bixiyay raadiyaha TALKSPORT, wuxuu ku doortay daafaca ugu fiican adduunka xilligan, wuxuun yiri:

Ruben Dias terms himself the greatest ever Portugal defender

“Waxaan u maleynayaa in Rúben Dias uu yahay daafaca dhexe ee ugu fiican adduunka haatan.”

“Waxaan dhihi lahaa Rúben talaabadan uu ugu dhaqaaqay Premier League wuxuu ka helayaa aqoon iyo khibrad kala duwan oo ku saabsan tartanka, waxaan qabaa inuu yahay daafac dhexe oo aad u wanaagsan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close