Cristiano Ronaldo oo xulkiisa Portugal guushii ugu horreysay ee Euro 2020 gaarsiiyay kulankii ay la dheeleen dhiggooda Hungary

(Budapest) 15 Juun 2021. Waxaa goor dhow soo idlaatay ciyaartii u dhexeysay xulalka Hungary iyo Portugal kuwaasoo ku dagaallamay kulan ka tirsan Guruubka F ee tartanka Euro 2020 kaasoo ka dhacay garoonka Puskas Arena oo ku yaalla magaalada Budapest ee dalka Hungary.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbarro goolal la’aan ah iyadoo labada xul ay sameeyeen isku dayo ay gool ku dhalin kareen.

Balse markii dib la isugu soo laabtay, waxaa xulka qaranka Portugal hoggaanka u dhiibay xiddiga difaaca bidix ka ciyaara ee Raphael Guerreiro kaasoo shabaqa gaaray daqiiqaddii 84-aad ee ciyaarta.

Saddex daqiiqo kaddib (daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta), waxaa xulka tartanka difaacanaya guusha u xaqiijiyay Kabtan Cristiano Ronaldo kaasoo rigoore kaga dhigay ciyaarta 2-0.

Isla isaga ayaa goolka saddexaad ee xulka Bortuqiiska dhaliyay daqiiqadihii lagu daray ciyaarta isagoo ka dhigay 3-0 inay guusha ku qaataan xiddigaha uu hoggaamiyo Macallin Fernando Santos.

Natiijadaas ayaa ka dhigan in Portugal uu guul ku furtay Euro 2020 oo uu difaacanayo maadaama uu tartankan ku guuleystay sanadkii 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close