Argentina 1-1 Chile & Paraguay 3-1 Bolivia… (Laadkii xorta ee uu dhaliyay Messi, rigooradii uu Vidal lumiyay & wax walba laga bartay kulammadii Copa America ee xalay iyo saakay)

(Brazil) 15 Juun 2021. Kulammada koowaad ee Guruubka A ee tartanka Copa America ayaa xalay lagu ciyaaray dalka Brazil iyadoo ay is faro-sareen xulalka Argentina iyo Chile & xulalka Paraguay iyo Bolivia.

Argentina 1-1 Chile

Xulka qaranka Argentina ayaa fursado badan abuuray qaybtii hore ee ciyaara illaa ugu dambeyn Lionel Messi uu shabaqa ku riday laad-xor ah oo ka tuuray meel u dhow xerada ganaaxa, waxaana uu xulkiisa hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 33-aad ee ciyaarta.

Qaybta hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo Chile lagu hor kacayay, balse xulka uu hoggaamiyo Macallin Martin Lasarte ayaa rigoore loo dhigay, waxaana daqiiqaddii 56-aad rigooradaas lumiyay Arturo Vidal kaddib badbaadintii Goolhaye Emiliano Martinez, balse kubadda kasoo laabatay gacmaha goolhayaha waxaa madaxa ku dhaliyay Eduardo Vargas oo ciyaarta ka dhigay 1-1 daqiiqaddii 57-aad ee ciyaarta.

Labada xul ayaa sidaas ku helay min dhibic, waxayna ka hooseeyaan xulka Paraguay oo garaacay Bolivia.

Maxaa laga bartay?

Lionel Messi ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay oo uu Chile kaga hor tagay Copa America mid ka mid ah waxa uu lumiyay rigoore, mid casaan ayuu qaatay, midna gool ayuu dhaliyay.

Image

Paraguay 3-1 Bolivia

Xulka qaranka Bolivia ayaa hoggaanka ciyaarta qabtay daqiiqaddii 10-aad kaddib markii rigoore loo dhigay xulkaas uu gool u baddelay Erwin Saavedra.

Qaybtii hore oo rabshado ku dhammaatay ayaa waxaa casaan la siiyay xiddiga weerarka ugu ciyaara Bolivia ee Jaume Cuellar, markii la isu soo laabtayna, xulka Paraguay ayaa la yimid qaab ciyaareed cajiib ah isagoo saddex gool dhaliyay qaybta labaad.

Alejandro Romero oo daqiiqaddii 62-aad goolka barbarraha keenay iyo Angle Romero oo labo gool raacsaday daqiiqadahii 65-aad iyo 80-aad ee ciyaarta ayaa xulka Paraguay ka saaciday inay guul ku furtaan Copa America 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close