Kaddib goolkii uu xalay ka dhaliyey Venezuela, Neymar Jr oo ku sii dhowaanaya inuu noqdo xiddiga ugu goolasha badan xulka qaranka Brazil

(Brasilia) 14 Juun 2021. Kaddib goolkii uu xalay ka dhaliyey xulka Venezuela, Neymar Jr ayaa ku sii dhowaanaya inuu noqdo xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Brazil.

Xulka Brazil ayaa xalay guul ku furtay tartanka Copa America, kaddib markii ay 3-0 uga adkaadeen Venezuela, waxaana kulankan saddexda gool xulka Seleção u kala dhaliyey Marquinhos, Neymar iyo Gabriel Barbosa.

Goolkii labaad ee rikoorada ahaa oo uu xalay saxiixay Neymar Jr ayaa ka dhigay inuu kaliya 10 gool u soo jirsado inuu noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Brazil.

Haddii uu Weeraryahanka PSG ee Neymar Jr uu 10 gool u saxiixo xulka Seleção, waxa uu soo barbareyn doonaa halyey Pele, isagoo haddii uu gool kale ku darana noqon doona xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Brazil.

Neymar ayaa xalay dhaliyey goolkiisii 67-aad ee xulka Brazil, waxaana kaliya ka horreeya halyeyga xulka ee Pele oo horey xulka Seleção ugu saxiixay 77 gool.

Ronaldo ayaa isaguna booska saddexaad ku jira waxaana uu xulka Brazil u dhaliyey 62 gool, waxaana ku sii xiga Romário oo isna haysta 55 gool oo uu u dhaliyey xulka Brazil.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha ugu guulasha badan taariikhda xulka qaranka Brazil iyo xiddig waliba goolasha uu u dhaliyey xulka:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close