Xulka England oo guul uu ka gaaray dhigiisa Croatia kaga daah furtay Koobka EURO 2020… + SAWIRRO

(Yurub) 13 Juun 2021. Xulka qaranka England ayaa guul uu ka gaaray Croatia kaga daah furtay Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii uu kaga adkaatay 1-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran England iyo Croatia ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad xulka kubadda cagta England ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Raheem Sterling, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Kalvin Phillips.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 uu kaga adkaatay xulka England, dhigiisa Croatia, xilli kulankan ay labada xul qaran kaga daah furteen GROUP D ee Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close