Liverpool iyo Chelsea oo ka mid ah afar kooxood ee ka dheela Premier League oo isku haysta saxiixa xiddiga reer Zambia ee Patson Daka

(London) 13 Juun 2021. Sida wararku ay sheegayaan kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa ka mid ah afar kooxood oo ka dheela horyaalka Premier League kuwaasoo ku tartamaya saxiixa xiddiga reer Zambia ee Patson Daka.

Jariiradda The Express ayaa warinaysa in Leicester City ay ku soo biirtay tartanka loogu jiro soo xero-gelinta xiddiga Red Bull Salzburg ee Patson Daka.

Afarta kooxood ee ku wartamaya saxiixa laacibkan kahdka dhexe uga ciyaara RB Salzburg ee Patson Daka ayaa waxa ay kala yihiin Liverpool, Chelsea, Tottenham iyo Leicester City.

Patson Daka oo u dhashay Waddanka Zambia isla markaana ah 22-sano jir ayaa tartan adag ay u galeen kooxaha ka dheela Premier League kaddib markii uu dhaliyey 27 gool 28 kulan oo uu horyaalka u ciyaaray kooxda ku guuleystay horyaalka Austria fasal ciyaareedkan 2020-21.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close