Kooxda Juventus iyo Paulo Dybala oo weli isku qilaafsan qandaraas kordhinta Weeraryahanka

(Turin) 13 Juun 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus iyo Paulo Dybala ayaa weli isku qilaafsan heshiis kordhinta Weeraryahankan.

Paulo Dybala iyo Juventus ayaa weli waxa ay ku heshiin la’ yihiin oo ay isku qilaafsan yihiin qandaraas kordhinta dhaliyahan, sida uu warinayo Warsidaha reer Talyaani ee Calcio Mercato.

Heshiiska laacibka reer Argentine ayaa dhacaya sanadka soo socda, iyadoo uu doonayo in heshiiska cusub ee uu ku sii joogayo Turin uu ku qaato adduun dhan 10 milyan sanadkii.

Kooxda Juventus ayaana doonaysa inay sii haysato Dybala, balse ma awoodi karto inay la jaan qaaddo mushaarkiisa, iyadoo ay jirto cudurka faafa ee Korona Fayras uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka.

Si kastaba ha ha noqotee, sida uu warinayo Warsidaha reer Talyaani ee Calcio Mercato, labada dhinac ee Juve iyo Dybala ayaa weli isku qilaafsan qandaraas kordhinta Weeraryahankan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close